Quantcast
Channel: Wararka Maanta & Ciyaaraha » Cafimadka
Viewing all 55 articles
Browse latest View live

Daraaso lagu Ogaaday in Haweenka isticmaala Muqaadaraadka ka raagan dhalmada.

$
0
0

re3rere

Khubaro ku xeel-dheer Arrimaha Caafimaadka ayaa waxa ay sheegen baaritaan ay sameeyen inay ku Ogaaden in Dumarka Isticmaala Balwada ama Muqaadaraadka ay intooda badan ka raagan Dhalmada.

Dr. Zain Al-abidiin Bin Suldaan oo u dhashay Dalka Imaaraadka carabta, ayaa waxa uu Tilmaamay in baaritaano ay sameeyen ku Ogaaden in Dumarka isticmaala Muqaadaraadka ay ku guul dareystaan helida Ubadka intooda badan, isagoona sheegay in Daraasadaasi ay ku sameeyen 3,000 oo haween ah.

‘’Haa daraasada waxa ay qaadatay muddo Sanad iyo bar waxaana lagu tijaabiyay 3,000 Haween, waxaana Ogaanay in Maadooyin ku jira Muqaadaraadka ay bur-buriyaan Ug-xaanta taasina ay sababto in halkaasi lagu waayo U badkii dhalan lahaa’’ Ayuu yiri Dr Zain Al-abidiin oo u dhashay Dalka Imaaraadka carabta.

Dhanka kale, waxa uu sheegay in Daraasadaasi ay ku sameeyen 105-Kubaro ah, loona baahan yahay in haweenka ay ka fogaadan isticmaalka Muqaadaraadka si looga bad-baado Maadooyinka ku jira Muqaadaraadka ee bur-burinaaya Ug-xaanta.

Ugu dambeyntii, waxa uu ka digay in Haweenka ay sida ay doonaan u isticmaalan waxyaabaha wax badan u dhimi kara Jirkooda isla markaana geysan kara Khasaare ku imaada dhanka Noloshooda iyo Ubadkaba, waxaa Qoraalkan leh Shabakadda Soomaalidamaanta waa kamamnuuc Shabakad kale amar la’aan.


Cabista Sigaarka oo laga qaado cuduro badan sida Indho la’aan qofka ku dhacda!!!

$
0
0

Warbixin cusub oo dhawaan ay soo saartay dowlada Mareykanka ayaa qatar miiran ka dhigtay Sigaarka oo la sheegay inay cabaan dad gaaraya 967 milyan  oo daafaha caalamka ku dhaqan.

Warbixinta ayaa lagu xusay in qatarta caafimaad ee sigaarku leeyahay ay ka gudubtay kasarkii ku dhacayay sababada dadka jiida qaaca sigaarka.

Waxaana la sheegay inuu sababo cuduro ay ka mid yihiin Sokorow , Kansar beerka ku dhaca ,Tiibii ,  Indha la’aan iyo xanuuno kale oo howl gab ka dhiga qaar ka mida xubnaha qofka sigaarka caba.

Munaasabad lagu qabtay aqalka cad ee Mareykanka oo lagu xusayay 50 guuradii ka soo wareegtay markii la ogaaday in sigaarku uu sababo Kansarka Sambabada ayaa lagu shaaciyay xogtaan cusub  ee naxdinta ku beeri karta dadka Sigaarka caba.

Boris Lushniak oo qaliino ku sameeyay dad badan oo ay diloodeen cudurada sigaarka ka dhasha ayaa xusay in Sigaarka hadda la cabo uu yahay mid ka casrisan kii hore aadna uga qatar badan.

Wuxuuna tilmaamay in shirkadaha farsameeya sigaarka ay sanidihii la soo dhaafay kordhinayeen waxyaabaha kiimikaalka ah ee ay ku cubayaan.

Haweenka uurka leh ee caba ayaa la tilmaamay inay ka dhaxlaan qatara dhowr ah oo ay caruurtoodu la kulmaan sida dhaawacyo dhinaca wajiga ah oo ay yeeshaan ama ayagoo dhala ilmo faruuran.

Dadka aan cabin sigaarka laakiin jooga goobaha lagu cabo ayaa sidoo kale la xusay inay la kulmaan qataro caafimaad oo uu ku jiro qalalka iyo dhiiga maskaxda ku furma.

In ka badan 20 milyan  oo Ameerikaan ayaa la tibaaxay inay u geeriyoodeen cuduro ka dhashay cibista sigaarka iyo ka agdhawaashaha goobaha lagu cabayo.

Dalka Mareykanka ayaa waxaa sanad kasta ku geeriyooda nus milyan eersaday cabista sigaarka, halka 16 milyan oo kalana ay la tacbaanaan cuduro ay ka qaadeen.

Hal ka mid ah 13 caruurta ah ee Mareykanka ku nool waxaa haya cudur ka dhashay sigaar agtiisa lagu cabay ama waalidiintiis ay u soo gudbiyeen.

Aduun lacageed oo gaaraya 289 bilyan oo ah dollarka mareykanka ayaa la sheegay in sanad kasta ay dadka ameerikaanka ahi ku bixiyaan  sigaarka.

Khubarada Ameerikaana ayaa eed dusha ka saaran warshadaha sameeya oo ay ku tilmaameen kuwa dagsaday istiraatijid dulmi ku saleysan oo wadnaha lagu goynayo dadka aan xilkaska ahayn.

Waxayna si caro leh u cadeeyeen in warshadahaas lagu farsameeyo sigaar muqaal ahaan ka sameysan warqado qafiifa oo gudaha  looga cubay waxyaabo kiimikaal ah oo gaaraya todoba kun oo ah isku jir sababaya cudura fara badan.

W/D:C/risaaq Cumar Axmed

ARRIMAHA CAAFIMAADKA ( 8 calaamadood ee cudurada kelyaha ) 8 Symptoms of Kidney Disease

$
0
0

sxagaa
Aqriste waxaan kuu soo gudbinayaa qaar ka mid ah xanuunaa ku dhaca kelyaha iyo calaamadaha lagu garto. Xanuunka ku dhaca kelyaha ayaa noqday tobankii sano ee u danbeeyay mid ay ka cawdaan dadka soomaaliyeed mana jirin laba sano ka hor mashiinka kelyaha sifeeya deegaanaadada afka soomaaliga looga hadlo, immika se magaalooyinka sida hargeysa waad ka heleysaa.

Taasi micnaheedu maaha in laga gudbay caqabadihii la xidhiidhay xanuunnada kalyaha waxaana jira hab sahlan oo leysaga daweyn karo xanuunka marka ugu horreysa ee uu ku asiibo, laakiin aqoonta aynu u leennahay oo yar iyo xidhiidhka dhaqtar inoo gaar ah oo aynan laheyn waxey keeneen in ummad badani ka naafoobaan kelyaha.

Dad badan ayaa qaba xanuunka kelyaha ee daba-dheeraada loona yaqaan (Chronic kidney disease ) dadkaasi ma gartaan bilowga ,sababtoo ah calaamadaha hore oo ah waxa aad u yar ayey ku qaadataa sanado inay ogaadaan. kadibna marka uu dhaqtar tago ruuxii ka cabanayay kelyaha ayaa loo sheegaa in kellida ama labadaba ay u dhamaatay ayna gaadhay heerka 3CKD ( marxalada sadaxaad ) kuwaasi waxey u badan tahay 80% in aan lagu guuleysan in kellidii amma kelyaha la daweeyo.

Imaatinka marxalad kasta ee cudurka kelyaha aquuntu waa u awood .Ogaanshaha calaamadaha cudurada ku dhaca kelyaha ayaa kaa caawin kara inaad hesho daaweynta aad u baahan tahay iyo in aad dareento soo kabashadaada .

Haddii adiga ama qof aad garanayso uu leeyahay mid ama ka badan calaamadahan soo socda ha welwelin marka hore is deji aad dhaqtar oo iska baadh dhiiga iyo kaadida. Xusuusnow in badan oo calaamadaha ah waxaa keeni kara dhibaatooyin caafimaad oo kale. Adiga Sida kaliya ee aad u baahantahay ayaa ah in la ogaado sababta keentay calaamadaha marka waa qasab in aad aragto dhakhtarkaaga.

Symptom 8: Calaamadda Koowaad
ISBEDDELKA KAADIDA

Kelyuhu waxey sameeyaan qashin-saarka ay ka mid tahay kaadidu, iyadoo xilliyada ay jirran yihiin kaadida laga dareemo isbeddel. Hadaba sidee isu badashaa ?
Xilliyada habeenkii waxaa ku soo toosisa kaadi adiga oo aan soo toosi jirin.
Kaadi xad-dhaaf ah oo ka badan xaddi weyn intii caadiga aheyd.
Kaadida oo mar kale ka yaraata sida caadiga aheyd ama midabkeeda oo isbeddela.
Kaadida oo dhiig soo raaco dhammaadka ama bilowga
In aad dareento kaadida oo ku gubta amma aad si xoog ah ku soo saarto
In aad dareento in ay kaadi ku heyso oo aad xajin weyso dabadeed aad orod ku gashi Suuli dabadeed ay si baxsad ah kaaga timaado, markii aad soo dhameysato oo aad ka soo baxdo suuliga inta aadan ka fogaan hadana aad dareento in weli kaadidii ku heyso.
In ay ku dhibaan dhibcaha ugu danbeeya oo aad dareento xanuun mararka qaar aad u daran.

Symptom 2: Swelling Calaamadda 2aad
BARAR.

Kelyaha waxey leeyihiin dheecaan ( dareeraha ) kaasoo dhisa jidhkaada laakiin marka kelyaha xumaadaan wuxuuna sababaa barar lugaha ah, kuraamaha, cagaha, wejiga, iyo cududada gacmaha. Tirakoob ay sameysay mareegta LANSET ayaa lagu wareystay ku dhawaad 3 kun oo bukaano ka cabanaya xanuunada ku dhaca kelyaha Dadka la wareystay waxaa ka mid ahaa nin yidhi kelyo xanuunka waxey I gaadhsiiyeen in ( Kuraanta } la arki waayo barar awgeed , timihii ay iga daateen , miisaanka jidhkeyguna aad ayuu u dhacay.
Symptom 3: Fatigue Calaamadda 3aad.

( Daal )

Kelyaha caafimaadka qaba waxey sameeyaan hormone loo yaqaan erythropoietin (a-rith’-ro-po’-uh-tin), ama EPO, taasoo cadeyneysa in jidhkaada uu ku sameysmay oxygen qaadaya unugyada cas cas ee dhiiga, kelyahana waxey gaadhsiisaa muruqyada ilaa taayirada maskaxda si deg deg ah . Si fiican uma jiifsan kartid, xaqa sariirta ma gudan kartid ,shaqooyin badan kama qeyb qaadan kartid dhamaan waxey kugu keeni kartaa daal fara badan.
Symptom 4: Skin Rash/Itching (Calaamadaha 4aad Finan maqaarka ah )
Kelyaha waxey qashin saar ku sameeyaa dhiiga wasaqeysan ,laakiin marka kelida ay bukto dhiigii dib ayuu ugu soo noqonayaa jidhka, dabadeed maqaarka ayuu cun cun ku keenaa ,ruuxa xanuunka nuucaa ah ku dhaca jidhkiisa oo dhan ayaa badalma finan ayaa ka soo yaaca aadna wuu isku xoqaa ogow dhibtaasi oo idil waa kelyaha fadhiya.

Symptom 5: Metallic Taste in Mouth/Ammonia Breath
( calaamada 5aad dhadhanka iyo neefta afka )

Dhiiga qeybta sifeynta kelyaha waxaa ka mid ah nuuc dhadhanka ku shaqeeya waxaana loogu yeedhaa (called uremia) taasi waa dhadhan kala duwan xagga cuntada waxaana ruuxa ku dhaca Af ur ( Bad breath ) sidoo kale waxaadan jecleysaneyn cunista hilibka ugu danbeyna waad tamar dareysaa xagga miisaanka jidhka .waxaasina waxaa sababta ugu weyn ay tahay xitaa in cuntada aad nacdo waa kelyaha oo aan si hagaagsan u shaqeyn.
Dhadhanka waxaad dareemeysaa sida qof cabay cabitaanka ka sameysan IRON , waxaa kaa xidhmaya appetite ma garanayo wax lagu yidhaahdo af soomaali appetite waa qofka oo raashiinka qaadan la .

Symptom 6: Nausea and Vomiting Calamaada sedexaad.
( Mataga)
Xaaladan waa marka ruuxa gaadho waxa loogu yeedhi ( severe) wuxuu keenaa matag aan waqti laheyn wax walba uu ruuxaasi cuno kuma hakanayaan caloosha , sido kale wuxuu leeyahay -Lalabo ( yulaaalugo ) waxba ma cuni karo waxeyna ugu sii daran tahay marka uu ruuxa ugu darsan yahay cudur kale oo uu dawadiisana qaadanayo sabab wey is diidayaan .

Symptom 7: Shortness of Breath
(Calaamada 7aad neefta oo yaraata )

Dhibaato kaaga dhacda xagga neefta waxey la xidhiidhi kartaa kelyaha laba siyaabood tan koowaad dheecaanka dheeraadka ah ee jidhka oo ku bata ilaa wadnaha iyo tan labaad oo ah dhiig-yaraan. Oo sababi karta neefta oxygenta oo aad kuugu yaraata sida qof neef-qabatoobay oo kale
Xilyada ugu badan ee la dareema waa xiliga jiifka oo ruuxaasi ma seexan karo wuxuuna saacado badan ku qaataa fadhi, marka aad shaqo heysidna wadnaha ayaa aad kuu garaacma dabadeed waad daaleysaa mana sii wadi kartid shaqada.dhiig-yaridaasi waxey keentaa in aad dareento qabow jidhka ah xitaa hadii qol diiran aad ku jirto.

Symptom 8: Leg/Flank Pain
(Calaamada xanuun hareeraha lugta ah )

Sababaha ugu badan ee sababa cudurada ku dhaca kelyaha ma sababaan xanuun kasta iyo mid kasta oo kaa qabta meel u dhow kelida , lamana odhan karo kelida ayaa I danqeysa ,tusaale dadka qaar ayaa qabi kara xanuun kelida ah iyo xanuuno kale sida dhabar xanuun ama jeexa goljilicda ( dhinaca) kuwaa ayaa laga yaabaa aakhiritaanka in ay saameeyaan kelyaha.
Cudurka polycystiskt ee kelyaha (Okla)wuxuu keenaa fiix waaweyn , dheecaan ka buuxsama kelyaha hadii aan dhaqso loo daweyn waxey keeni kartaa in beerka waxyeelo soo gaadho.caabuqa kalyaha ka yimaada ayaa keena dhagax kelida ku jira aad iyo aad ayey u xanuun badan tahay ,kelida oo ku dubaaxisa iyo mark aad kaadiso oo gubasho aad dareento

TALO
Hadaba aqriste hadii calaamadahaa aad isku aragto fadlan si deg ah ula xidhiidh dhaqtar ku taqasusay xanuunada ku dhaca kalyaha.
Sources : lifeoption,health.com

Siciid Xagaa Afrax.
Journalist.
Sxagaa@hotmail.com.

Baaritaan la sameeyay oo lagu Ogaaday tirada ku geeriyootay Qiica Diyaaradaha

$
0
0

Warbixin cusub oo  ay soo saartay hay’adda caafimaadka adduunka ee WHO  ayaa waxay ku sheegtay in qiica ay hawada ku sii daayaan diyaaradaha sanadwalba ay u geeriyoodeen  dad tiradooda lagu sheegay 7 million oo ruux dunnida oo dhan.

Warbixintaan waxaa lagu sheegay in xog ururin ay WHO samaysay ay ku ogaatat in dad badan noloshooda lagy tabayo qiica wasaqaysan ee ay hawada diyaaraduhu sii daayaan marka ay duulayaan waxaana u badan wadamada hadda uun dhaqaalahoodu soo korayo haba ugu badnaadaane wadamada ku yaala koofur bari qaaradda Asia iyo galbeedka badda Pacific,ga .

WHO waxay ku doodaysaa in qiica ay hawada kusii daynayaan diyaaradaha waa weyn ay sababaan xanuuno ku dhaca wadno xanuunka iyo kansarka sambabada ku dhaca waxaana ay intaa ku daraysaa warbixintu in 7 million ee ruux gaaraya ay 4.3 million ay sababsadeen qiic ay uriyeen ayagoo diyaarado saaran halka 3.7 million,na ay hawada ka qaateen qiica diyaaradaha ayagoo aan diyaarado saarneyn.

Wadamada dhaqaalahoodu hormaray ayay warbixintaan xusaysaa inaay %90 ka hooseeyaan heerka dhimashada marka loo eego dalalka kale.

Koox qubaro ku ah dhanka caafimaadka ayaa soo jeedinaya arrintaan looga hor tagi karo oo kaliya in la sameeyo sharciyo lagu hubinayo bad qabka diyaaradda iyo qiica ay hawada kusii daayaan isla markaana diyaaradaha waa weyn ee mudada shaqanayay laga joojiyo inay dul maraan magaalooyinka waa weyn ee dadka badani ku noolyihiin.

Wadamo ku yaala dalalka loo yaqaan Dunnida Sadexaad ayaa waxaa dadka nool ay dhibaato badan ku qabaan diyaaradaha laga isticmaalo oo badankood ah kuwa nolosha bini’aadamka halis ku ah.

Xigasho- WHO

W/Tarjumay Burhan Dini Farah

BUURNIDA CALOOSHA GASHA SIDEE LOO YAREYN KARAA ? WARBIXIN KOOBAN QALINKII SICIID XAGAA.

$
0
0

imageBaruurta caloosha gasha ayaa noqotay xaqiiqo nolosha dad badan oo malaayiin dunida ku nool .Waxyaabo badan ayaa ka mas’uul ah baruurta caloosha gasha waxaana ka mid ah hab-nololeedka iyo habka isku aadka cuntada.

Ma yara baadhitaanka laga sameeyay waxyaabaha ku saabsan buurnida xadkeeda dhaaftay dawada ugu muhiimsan ee ruuxa nuucaas la siiya ayaa ah jimcsi samee.
Cuntada oo la yareeye xadiga aad ka qaadaneyso iyo jimicsi ayaa muhiim u ah in lagula dagaalamo baruurta caloosha.

Marka leys barbar dhigo wadamada horay u maray daka ku nool iyo dadka dalkeena farqi weyn ayaa u dhaxeeya tusaale dhinaca cuntada , waxaa aad u kala duwan cimilada dadkaasi, cuntada ay cunaan iyo hawada ay qaataan.
Dalka mareykanka waa dalka dadka aduunka ugu buurbuurani ay ku noolyihiin sidaa ay tahayna wey shaqeeyaan oo ma xanibto buurnidooda halka wadamada soo koroya ay dhibaato ku qabaan .hadaba waxaan kuu soo gudbinayaa ilaa Todobo cuntooyin kaa caawin kara in aad kula dagaalanto buurnida :

1- Outmeal : Waa daqiiq ama budo laga sameeyo keeg ama doolshada quraacda waxey dhistaa murqaha waxeyna yareysaa xeydha, marka arorti la soo tooso oo aad cunto quraac ahaan Outmeal wuxuu kaa caawiyaa in aad mudo aadan gaajoon, laakiin hubso in aad macaan ama sonkor leedahay waayo uma fiicna.

2- Watermelon: Qare/ ama xabxab : cilmi baadhayaal ayaa soo saaray in qaraha/xabxabka uu yareeyo subaga jidhka kadib markii xayawaan lagu tijaabiyay mudo kooban xabxab/qare la shiiday , wuxuu kaloo saameyn ku yeeshaa dhiiga halbowlaha isagoo yareeya qatarta buurnida caloosha.

3- TOMATO: Yaanyada/Tamaandhada waxaa ka buuxa fitimiino iyo kolorisar, kuwaa oo si toos ah buurnida caloosha ula dagaalama yaanyada waaweyn hadii 9 xabo yaanyada loo yaqaan oo -ox-octadecadienoic aad maalin walba shiidato wax weyn ayaad isaga dareemeysaa.

4-Lamb :WAN Waa il qani ku ah fitimiin B, protein , iyo Tryptophan . Wanka waa badal caafimaad leh hadii hilibkiisa laga saaro subaga mararka qaarkeed waxuu horseedi kartaa cayilka, sida il tamar laga helo sidaa daraadeed waxa guuro unugyada taasoo keentay cayilka

5- Seafood: Raashinka badda.Waxyaabaha badda waa laga jecel yahay caalamka oo dhan sababtoo ah dhamaan waxyaabaasi waa kuwa aad loo hubo caafimaadkooda waana kuwa xakameeya baruurta dagaal joogto ahna ku haya buurnida caloosha . Maqaayadaha sameeya waxyaabaha aan keenin buurnida intooda badan waxey isticmaalaan cuntada badda laga soo saaro. Dadka hilibka cad ee kaluunka iyo digaaga cuna wey ka caafimaad badan yihiin dadka hilibka guduudan cuna.

6- Green vegetables :Qudrada cagaaran waxaa caalamka looga yaqaanaa nafaqeeyaha waxaa laga helaa faaidooyin badan, qudrada cagaarani waxey leedahay awood ay kula dagaalanto buurnida caloosha, waxaa ku yara wax dhilin kara buurnida caloosha. Qofkii cuna qudrada cagaaran ( salad ) quraacda ka hor waxey siisaa caafimaad calooshan ma buurato.

7-Tea : Shaaha : Shaaha bigeyska ah waa mid la cabo oo kaa caawin kara gubida baruurta caloosha , cabitaanka shaaha waa mid wax ku ool ah saliida gubaneysa ee jidhka , sida laga soo xigtay tirakoob dadka joogtada u caba shaaha 226 oo koloris ayaa gubta maalin walba marka la cabo shaaha bigeyska ah , cab maalintii afar ilaa shan koob oo shaaha laakiin sonkor yuusan lahaan ama aad ha ugu yaraato. Ha is ticmaalin shaaha joogto sababtoo ah maadooyinka SLIMMING ayaa ku badan .

Siciid Xagaa Afrax.
Journalist.
Sxagaa@hotmail.com.
Xigasho: Healthnews.com

Cudurka HIV/AIDS-ka oo daawadiisa laga helay Soomaaliya

$
0
0

hiv-curt

Sheekh ku sugan magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose ayaa ku dhawaaqay inuu helay daawo lagu daaweeyo bukaannada qaba cudurka dilaaga ah ee HIV/AIDS.

Sheekh Maxamuud Bukhaari ayaa sheegay inuu Allaah u saqiray daaweynta ilaa toddobo bukaan ah oo qabay cudurka.

Wuxuu sheegay in daraasadda uu ku daaweynayo dadka qaba HIV/AIDS ay noqotay mid miro dhal ah.

Dhowr jeer oo hore ayuu isku dayay inuu la xiriiro warbaahinta Soomaalida si uu u shaaciyo daawada uu helay.

“Waxaan hubaa inay daawadan tahay daawada dhabta ah ee caabbuqa HIV. Ma hayo wax kale oo aan iraahdo. Dhammaan dadkii aan ka daaweeyay xannuunka markii baaritaan lagu sameeyay waxaa caddaatay inaanay qabin cudurka,” ayuu yiri Sheekh Maxamuud Bukhaari oo ku sugan xaruntiisa caafimaadka ee Kismaayo.

Wuxuu ka codsanayaa warbaahinta Soomaalida inay baahiso warkiisa, si buu yiri loo daaweeyo bukaanno badan oo Soomaali ah oo la il daran cudurka.

Sheekh Bukhaari ayaa sheegay in daawayntiisa aanay raad-reeb ku yeelaneyn xubnaha jirka bukaannada qaadanaya daawayntiisa.

“Uma baahna qofka bukaanka inuu xilli kasto cuno daawada, marka uu dhammaysto, insha Allaah waa uu ka reysanayaa cudurka.”

Wuxuu ugu baaqay khuburrada iyo saynisyahannada ku takhasusay cudurka HIV/AIDS inay booqdaan xaruntiisa Kismaayo, si looga dhigo daawo caalami ah oo lagula tacaalo dhammaan bukaannada ku nool adduunka.

Wuxuu sheegay in daawadiisa laga heli karo Kismaayo, laguna iibsan karo qiimo aad u jaban. Sheekha waxaa lagala xiriiri karaa taleefoon lambarka +2526 183 506 69.

FAA’IIDADA KU DUUGAN MALABKA W/Q SICID XAGAA

$
0
0

bee
Malabka waa midka kaliya ee ugu macaan waxyaabaha uu alle ugu deeqay umadiisa in ku manaafacaadsadaan , sidoo kalena laga yaabo in aanad ka warqabin in uu leeyahay faa’idooyin badan oo dhinaca caafimaadka ah .

Malabka marka koowaad laga bilaabo isbadalka maqaarka saameyn weyn ayuu ku leeyahay, caawinta in uu miisaan dhimis kuu sameeyo ,waxyaabaha fiican ee ku saabsan malabka waa in loo isticmaalo daweyn dibiici ah, Alle subxaanahu watacaalaa wuu u kaamil yeelay adoomihiisa wax kasta oo ay u baahan yihiin qur’aanka kariimka ayeyna ku cadahay malabka iyo faaidooyinkiisa .

Aniga oo huba in ay farabadan yihiin malabka iyo manfaciisa ayaan jecleystay in aan boggaga caafimaadka aan idikaga soo tarjumo waxyaabo kooban oo ku saabsan malabka isla markaana la tijaabiyay .

1. TAMARKA WUU KORDHIYAA.

Hadaad dooneyso in aad kordhiso tamarta jidhkaada, isku day in aad malab ku darsato qorshaha raashinka qaar maalin walba , hadii aad tahay kafee cab fadlan yaree waayo wuxuu dilaa waxtarka malabka. Malabka oo la daaimo wuxuu si dabiici ah u saameeyaa in aad hesho tamar. Tusaale hadii aad roodhi marsato malab koobka shaahna aad in yar oo malab ah kaga darsato xitaa aad biyaha ku darsato ogow waa quraac rasmi ah . Dadka sameeya Jimicsiga wuxuu u leeyahay faaiido balaadhan malabka cun wax yar oo aan badneyn ka hor jimicsiga xitaa marka aad ciyaar adag leedahay horay u sii cun.

2. CUNCUNKA DHUUNTA WAA U DAWO.

Xabeebta wuu u fiican yahay malabka , hadii aad leedahay dhuun cun cun ama riiraxyo waa mid aad ugu wanaagsan malabka wuuna daaweeyaa hadii aad joogteyso, tijaabo la sameeyay ayaa lagu guuleystay malabka oo waxyaabo sahlan lagu daray Tusaale : dhowr qaaddo ( Malqacad ) oo malab ah cun ama ku qas inyar oo milix leh ayodhiin iyo xabbad liimo dhanaan ah dabadeed cun wey ku dareemeysaa in uu kaa joogsaday cuncunkii dhuunta.

3. WUXUU DHISAA DIFAACA JIDHKA

Malabka wuxuu awood weyn u yeelaa unugyada difaaca jidhka ,qaastan hadii aad ka shaqeysid meelo jeermis badan sida jeermiska ka yimaada dadka meelaha ay yaalaan,isku day in aad joogteyso shaah lagu daray malab iyo liin maalin walba. Xusuusnow hadii aad caruur leedahay ka ilaali cunuga ka yar hal sano in aad siiso malab, waayo dheefshiidkiisa ayaa qatar geli kara xanuunana waa laga qaadi karaa

4. MIISAANKA WUU DHIMAA.

Ma ogtahay in malabka uu malabka ka qeyb qaato dhimista miizaanka jidhka , tusaale hadii aad biyo diiran oo lagu daray liimo dhanaan aad cabtid aroor kasta waxey yareysaa baruurta. Laakiin ha hilmaamin in aad malab ku sarsato.

5. HURDADA WUU KA QEYB QAATAA.

Hadii aad dhibaato ku qabto jiifsashada habeenkii xiliga hurdada malabka wuu kaa caawin karaa , raac tilmaantan in yar oo malab ah ku shub koob dabadeed ku dar caano diiran kadibna cab. Malabka wuxuu qofka ku keenaa degenaan iyo raaxo habeenkii xiliga hurdada.

6. DHAAWACA WAA LAGU DAWEEYAA.

Hadii aad dhaawac ka qabto meel ka mid ah jidhkaad oo uu dhaqso kuu dawoobi waayay fadlan tijaabi in aad faashad ku shubto in yar oo malab ah kadibna aad ku dhaydo meesha iyo hareeraha kadib kula dheji faashada. waa jeermis dile malabka.xanuunkiina wuu kaa yaraanayaa waa tijaabo la sameeyay laguna guuleystay.

7. NEEFTA URTA EE AFKA WAA LAGULA DAGAALAMAA.

Ma ogtahay in malabka kaa caawin karo in aad la dagaalantid suggida cuntada, malabka waxaa ku jirta sonkor dabiici ah oo aan waxba u dhibeyn beerka,runta waxey tahay malabka in uu la dagaalamo neefta Urta ee afka ka soo baxda taasi micnaheedu ma’aha in aad joojiso cadayga maalin walba waa waajib taasi .hadii aad leedahay neeftaa urta ee loo yaqaan karoonikada, waxaad isku dartaa in yar malab ah iyo qarfaha shaaha si aad ula dagaalanto neeftaa xun. Waxaa kaloo jira tira badan oo faa’iido ah ee uu leeyahay malabka kuwana waa qeyb yar oo ka mid ah marka ulajeedada maaha in aad wax badan ka qaadato malabka waayo sun ayuu kugu noqon karaa hadii aad xadi badan isticmaasho.

SICIID XAGAA AFRAX.

JOURNALIST.

SOURCE: HEALTH.COM

EMAIL: SXAGAA@HOTMAIL.COM

DAAWO SAWIRADDA:- Maxaad ka taqaan cudurka loo yaqaan Ebola?

$
0
0

Muxuu Cudurka Ebola u yahay Qatar

Cudurka Ebola ee ka dilaacay galbeedka Afric,a ayaa ilaa iyo haatan ah kan ugu halista badan.

Sida laga soo xigtay Qaramada Midoobay ku dhawaad 887 qof, ayaa u dhintay cudurka,

Dhaqaatiirta, ayaa dadaalaysa in la xakameeyo cudurka saraakiisha caafimaadka dalalka Guinea, Liberia iyo Sierra Leone.

Waa maxay Ebola?

Ebola waa xanuun Virus ah oo calaamadaha lagu garan karo ay ka mid tahay: 1) Qandho deg deg ah, 2) tabardaro daran, 3) murqaha oo xanuuna 4) iyo cunaha oo xanuuna qofka. Sida laga soo xigtay hey’adda caafimaadka adduunka WHO, taasi waa marka uu bilowga yahay. Marxaladda xigta waa 1) matag isbadajoog ah, 2) fuuqbax iyo mararka qaar dhiigbax gudaha iyo dibadda ah.

Cudurka waxa uu bani’aadamku ka qaadaa markii uu la xiriiro xayawaanka qaba cudurka sida daanyeerka sida Jimbansiiga, xayawaanka kibiliga iyo gari-nuugta.

Xitaa qofka u geeriyooda Ebola meydkiisa ayaa halis ah oo cidii u dhawaata ay ka qaadi kartaa cudurka.

Muddada cudurka ku qarsan yahay jirka qofka, ayaa noqon karta inta u dhexeysa labo maalin ilaa iyo seddax todobaad, waxaana adag in la ogaado.

Cudurkan, oo ku kooban Africa ayaa hal kays, waxaa lagu arkay dalka Philippine.

Shaqaalaha caafimaadka qatar ayay ku jiraan hadii ay la macaamilaan bukaanka, iyagoon qaadan taxadar dheeraad ah oo ay uga fogaanayaan qaadista cudurka.

Xagee ku dhuftay cudurka?

Sida ay sheegtay WHO cudurka Ebola ugu horeyn, wuxuu ka dilaacay tuulooyinka fog ee Africa-da dhexe iyo tan galbeed una dhaw keymaha kuleylaha.

Markii ugu horeysay waxaa lagu arkay cudurka Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Congo (DRC) sanadkii 1976dii, kaddibna wuxuu u sii gudbay dalalka Uganda iyo Sudan.

Cudurka haatan waxa uu ka bilowday Guinea oo uusan horay uga dilaacin taasina ay ka dhigeyso mid aan caadi aheyn.

 

Dilaacidda cudurka Ebola ee Africa-da galbeed ee la soo saaray 4 August Xigasho: WHO.

· Guinea – 358 Dhimashada, Ku dhacay 485 ruux
· Liberia – 255 Dhimashada, Ku dhacay 468 ruux.
· Sierra Leone – 273 Dhimashada, Ku dhacay 646 ruux.
· Nigeria – 1 Dhimashada, Ku dhacay 4 ruux.

Taxadar ceynkee ah ayaan qaataa?

WHO, waxay ku talineysay inaad ka fogaato xiriir aad la sameyso bukaanka cudurka Ebola. Ha taaban waxba, sida shukumaanada la wadaago kuwaasi oo noqon kara kuwa cudurka lagu kala qaado meelaha guud.

Shaqaalaha xanaanada waa inay xirtaan qalabka ka hortagga sida gloves-ka gacmaha la gashto iyo qalabka kale ee wajiga lagu xirto, waana inay joogto u dhaqaan gacmahooda.

Maxaa laga qaban karaa hadii uu cudurku igu dhaco?

Waa inaad is dadka ka fogaataa, oo aad raadsataa kaalmo caafimaad. Bukaanka wuxuu haysta fursad wanaagsan uu ku badbaadi karo hadii uu helo daawo dhaqso ah. Ma jiro wax tallaal ah inkastoo tijaabo jirto.

Bukaanada si joogto ah, ayey u fuuq-baxayaan waa inay cabaan biyaha leh cusbada ama ay xididka ka qaataan faleembo.

Dadka uu soo ritay cudurka 50% illaa iyo 60% ayaa u geeriyooda, lamana oga wax keena in dadka qaar ay ka soo kabtaan halka kuwa bandanna aysan badbaadin.

Xigasho BBC


Daawo loo helay Cayilka badan iyo Farxada oo dhibaato ay ku jirto

$
0
0

L_Fat_Families_Cuff

Nin Adduunyo joogow maxaa aragti kuu laaban,Farxadiina ma dhibaato ayaa ku jira hadiiba uu wal walkaaga yar yahay.

Cilmi baaris ay sameeyeen culumo ku taqasusay arimaha bulshada ayaa waxaa ay ku shaaciyeen qoyska farxada badan iney yihiin kuwa unugul cayilka ama miisaankooda oo kordha.

Isfahamka iyo jawiga deganaanta ah oo lagu raago iyo in wax walba ay lamaanayaashu isku waafaqaan ayaa sabab u noqota  in labadooduba ay cuntada aad u qaataan, ayagoon waqti iyo xad gaar ah u yeelin waxaana ayna u nugul yihiin inuu siyaado ama uu kordho miisaankooda culeyska ah.

Culimadaan ayaa adeegsaneysa tajaabooyin ay ku sameeyeen qoysas badan oo noloshoodu isku cusub tahay waxa ayna soo ogaadeen in afarta sano ee ugu horeysa ee guurka ka dib in ay tahay mudada ay aadka u naaxaan ama u cayilaan lamaanayaasha isku cusub, maadaama ay xiligaas ku guda jiraan jawi deggan oo xiiso iyo is xaqdhowr ku dhisan.

Warka culimadu waxaa uu intaa ku darayaa  marwaliba oo isku dhicistu ay badato inuu yaraanayo culeyska qofka ama uu murgoodo.

Tusaale ahaan,waxaa hada ka hor jiray Boqor cayilan oo dalbaday in culeyskiisa la dhimo,la tashiyo badan oo dadka magaalada waxaa uu helay nin ku oronaya waad dhimaneysaa bil kadib,boqorkii waxaa uu xeray ninkii laakiin ma harsan boqorkii oo murug ayuu la joogi waayay ilaa cunadii uu ka go’ay culeyskiisana uu yaraaday.

Bisha loo sheegay in dhimashadiisa labo maalmood ay ka harsantahay ayuu u yeeray Ninkii waxaana uu su’aalay  arintii dhimashada,Ninkii ayaa ku jawaabay awood umalihi inaan ogaan karo dhimashadeyda iyo taadaba balse waxaa uu ahaa qorshe aan kugu caateysiinayay maxaa yeelay murugta ayaa daawo u ah cayilka faraha badan ee qofka.

 

FARIIN Gaar ah: Dumarka xaamilada ah oo Caafimaadkooda loo helay fulinta 7- Arrin oo muhiim ah

$
0
0

Hooyada uurka leh oo qaadarta cunooyinka wanaagsan, waxa ay uwanaagsan tahay ilmaha uurka ku jira, sidaasi  waxaa muujisay daraasad ay soo saareen seynisyahano ka tirsan Ururka Midowga Yurub.

Seynisyahanadaan ayaa waxaa ay sheegeen sidaasi si la mid ah, in carruurta uurka ku jirta dhibaato ay soo gaadhi karto taasoo ka dhalan karta haddii raashiin aan loo baahneyn ay qaadato hooyadu.

Seynisyahanadan ayaa sidoo kale waxay tilmaameen in koriinka ilmaha uurka kujira iyo caafimaad qabkii subaay ku xidhan tahay xananeyta hooyada iyo waxyaabaha ay cunno iyo cabitaan ahaan u qaadato.

Cilmi barayaashan ayaa waxaa ay ku taliyeen hooyada uurka leh in ay qaadato cunooyinka ay ka mid yihiin:

1- Kalluunka

2- Beerka

3- Khudaarta cagaaran

4- Liinta Bambelmada

5 Digirta

6- Yogurt-ka dufanku ku yaryahay

7- Iyo Ukunta

Haweenka xilliga ay uurka leeyihiin kalluunka cuna ayaa la oggaaday inay u dhaw yihiin inay dhalaan ilmo maskax badan oo bulshaawi ah.

Waxa daraasadani shaacisay in dumarka aad u isticmaala subaga noocyada kala duwan ee kalluunka sida Tuna, Sardines iyo Salmon inay dhalaan carruur maskaxdoodu aad u horumarsan tahay oo aad u caqli badan.

War Jir Moog: Cayil Ma sheegi doontide Bal talladan uun qaado+sawiro

$
0
0

ama

20-kii sano ee la soo dhaafay cayilka ayaa dhibaato weyn ku hayay dalalka England iyo Mareykanka oo dadkooda ay u nugul yihiin cayilka.

Hada waxaa soo baxday in cabitaanka bunka uu ka hortago cayilka,sidaa waxaa sheegay quburo Saynisyahano ah.

Daraasad cusub oo soo baxday haatan ayaa cadeyneysa in isku jirka kiimikeed ee cawitaanka Kafeyga inuu daawo ama difaac u yahay buurnida qofka.

Cilmi baaristan ayey Seynisyahanada ku tijaabiyeen dooli iyagoo cirbid ku quudinayay labo toddobaad cunto nafaqeysan,waxaana ay ku qaadatay baaristan mudo 15 isbuuc.

The researchers said while CGA alone is not a cure for obesity, their findings could pave the way for future treatments for those struggling to lose weight through conventional methods (file picture)

Quburadan oo wax ka dhiga jaamacada Georgia ayaa tilmaamay in dooligii uu cayilay marka ay siiyeena kiimikaadkan isku jira ee Kafeyga uu cayilka ka baaba’ay.

Saynisyahadan waxaa kale oo ay sheegeen in Kafeyga uu sidoo kale daawo u yahay dhiigo sonkorta iyo caafimaadka beerka.

Qoraalka waxaa ay Soomaalidamaanta ka soo xigatay majalada DailyMail.

Layaabka:Sir badnow waadna wareerisaye balse markan waa lagu hayaa,xaqiiqooyin dhab ah

$
0
0

sit

Dhaqaatiirta cilmi nafsiga ugu caansan waxay yiraahdeen Arimahan soo soocda hadii aad isku Aragto calaamaadaha hoos ku qoran ayaa kuu qarsan hadii aadse ku aragto saaxibadaa iyagana intan ayaa u kaaysan.

Waa Bilaawataye ee kow dheh

>- Haddii aad aragto qof si boobsiis ah ama si deg deg ah u hadlaya, waxaad ogaataa inuu yahay sir badane ee iska ilaali.

>- Haddii aad aragto shaqsi jiifa kala barka maalintiisa waxaad ogaataa wuu xanuunsanayaa ee gurmad u samee.

>- Haddii aad aragto shaqsi in badan ku qoslaya wax aan waxba ahayn waxaad ogaataa waa murugeysan yahay.

>- Haddii aad aragto shaqi mar walba dhoola caddeynaya waliba si is-daba joog ah, ogow inuu yahay qof guul darreystay ama laga adkaaday.

>- Haddii aad aragto shaqsi mar walba kula doodaya ogow wuu ku jecel yahay.

W/D  Maxamed  Khadar Ibraahim Daaahir

Ingriiska oo noqday dalkii ugu horeeyay ee ogolaada hab ay sadex qof hal cunug kuwada dhalayaan

$
0
0

ilmo dhal waali ah
(London): 
Habka loo yaqaano IVF ayey UK u aragtaa mid lagu bad baadinaayo caafimaadka caruurta dhalan doonta iyado la isku daraayo hidosidayaasha sadax ruux kadibna uu cunug ku dhalan doono kaas oo ka caafimaad qaba cudurada la iska dhaxalo ee ay hooyadu qabto.

Warkaan oo faah faahsan ka aqriso halkaan

Xaaska Xaamilada ah iyo Dhibaatooyinka horyaal

$
0
0

In banu- aadamku tarmo waa saldhiga waaritaankiisa oo si noloshiisuu ay usii socoto waa in la shaqeeyo ,waxaana shaqada xoogeeda qabta dadka inta da”da yar ,tarantana waxaa saldhig u ah hooyo caafimaad qabta.

Hadaba hooyada uurka leh sidee bay uu nooshahay degaankan.

Waxaase nasiib daro ah in qarnigii 21aad aynu ka hadlayno hooyo uur leh oo ay hayso aqoon daro,jiro,nafaqo daro werwerna ku nool.

Qoraal kani waa taxane aan rabo in aan bulshada usheego uu ku baraarujiyo halista ka dhalata mark ay hooyada uurka lehi aanay daryeel fiican heli Karin iyo raadka ay ku leedahay ilmaha uurka ku jira , waxaana hubaal ah hooyo caafimaad qabta, aqoon fiican leh,aan werwer iyo buuq ku noolayn ayaa ilmo caafimaad qaba dhasho.

Hooyooyin badan oo uur leh ayaa maanta jooga geyigan aynu ku noolnahay waxaana ku haysta dhibaatooyin ay ka mid yihiin:

1. Aqoondari ku saabsan caafimaad keeda guud ahaan gaar ahaan inta ay uurka leedahay caafimaadkeeda iyo kan ilmaha ay sido oo aan kala maarmin

2. Dhaqaale xumi iyo nafaqa daro sababo badan leh.

3. Jiro ku dhacday inta ay uurka leedahay ama mid uurka ka hor ay qabtay

4. Shaqo adag oo wax laga yaaban iyadoo sedkeedu dhowyahay in ay qoys dhan ushaqayso sababo kala duwan, sababahaas oo noqon kara:in ay carruur agoon ah haysato,in nin jiri ah oo nolosha ka haray qabo,in caruurta lagu furay ay keligeed ku tahay

5. In welwel iyo walbahaar noloshu wadato ay ku nooshahay markaas.

Arimahaas waxaan isku taxalujinaya in aan si kookooban iyadoo taxane ah (sadex ila afar qoraal) ugaga waramo

1. Aqoon darida iyo dhaqaale xumidu dhibaatada ay ku hayaan hooyada uurka leh:

Ilmuhu maaalintuu abuurmo ilaa markuu dhasho waxay qaadataa mudo sagaal bilood ah dhakhtarnimada waxaa loo qaybiyaa sadex sadex bilood oo kala ah saxexda bilood ee hoore ,sadex dhexe iyo sadex dame(sagaal ki bilood waxa laga dhigay sadex qaybood) .Sagaal kaas bilood ee uurku socdo dhib kasta oo hooyada uurka leh gaara wuxu saamayn weyn ku leeyahay ilmaha ay sido.

Waxyeelada ugu weyn ilmaha uurka ku jira waxay gaartaa sadexda bilood ee hore oo ah bilaha ilmaha xubnihiisa muhiimka ahi samaysmayaan.

Marka laga reebo cudurada layska dhaxlo dhibaatada ugu weyn uurka cusub waxaa ugeysta daawada hooyadu qaadato qaybtood , cudurada hooyada ku dhaca mudadaas ama cuduro ay qabtay intaanay uuurka cusub yeelan.

Hadaba side bay ilmaha uga muuqdaan dhibaatooyinka ay keenan daawada ay hooyadu qadato iyo cudurada ku dhaca inta ay uuka sido:

1.Ilma ka soo qubta

2.Ilma meyd ah ay dhasho

3. Ilma dhicis ah ay dhasho

4.Ilma xubnaha jirkiisu aanay dhamaystirnayn waxaana ugu badan oo aanu aragnaa(bossaso) ilmaha wadnaha qayb ka mid ahi aanay shaqo fiican qaban Karin sida:qollalka wadnaha oo isu furan

.5.Ilmo miisaan yar.

6.Ilmo marku dhashoba cudur la kowsada weliba cuduro halis ah

Xusuusin: Bulshada inta badan waxa lagu dhawaaqa xaaski hebel waa dhashay.maxay dhashay (wiil ama gabar) lakin qofna isma weydiiyo ilmaha ay dhashay xaaladiisu side tahay ma caafimaad qaba .

Dadka ku nool bosaso waxaa caado u ah rag iyo dumarba in farmashi la tago oo daawo la miisaanto, hooyada uurka lihi kama duwana bulshadaas oo sidaas ayay iyada oo jiran, uurna leh ama aanay ogayn inay uur leedahay farmashi utagtaa kana gadataa daawada ay isleedahay waad ku caafimaadi.

ka dibna waxay dhashaa ilmo xubnihiisii qayb ka mid ah dhiman tahay waxaana ka mid ah uguna badan ilmaha wadnuhu daloolo sabab kasta ha ahaatee . waxaa kaloo soo kordhay mudaadan danbe niman iyagu dhir wax ku daaaweeya,dhirtaa oo aan la garanayn waxyeelada,waxaase hubaal ah in dhirtaasu dhibaato ugeysan karto hooyada uurka leh iyo ilmaha ay sido.

Waxaan jeclahay inaan idiin xasuusiyo in bulshada bosaso ku nool qaybtood oo hooyada uurka lihi ka mid tahay ay aamin sanyihiin inay qabaan labo cudur oo kala ah:Tiifow iyo burusella ayna caadi utahay bulshada in faramashi daawo cuduradaas looga qaato waana wax bulshadu iska aamintay.

Dhaqaala xumida hooyada uurka lihin waxay keentay in aanay dhakhtar tegi Karin daawana gadan Karin arintaasi waxay aad iyo aad u fududaysay la dhaqanka farmashiyaasha iyo in hooyada uurka lehi daawo qiimo jaban si fudud ku qaadato cudur kasta ha qabto.

Hadaba sidee arinkaas looga gudbi karaa ?

1. In hooyo kasta oo guri leh hadii ay caadada weydo dhakhtar dumar utagto oo hubsato in uur jiro iyo in kale,hadii markaas uur jiro ay la tashato dhakhtarka dumarka oo ay weydiiso siday udhaqmi lahayd maxaa ku haboon? Maxaa ka reeban? Inta ay uurka leedahay.

2. In hooyo kasta oo uur qaada si joogto ah ula xiriirto xarumaha haweenka iyo caruurta lagu xanaaneeyo loona yaqaan MCH ka. magaalada Bosasowaxaa ku yaal lix MCH, dumarka uurka leh ee ku xiran xarumahaas waa waryihiin taasna waxaa keentay aqoon darida hooyada iyo aabaha qoyska oo ann garanayn danta ku jirta la socodka xaalada caafimaad ee hooyada uurka leh

3. Aqoonta bulshada ee arimaha caafimaadka (healthy education ) oo kor loo qaado iyadoo la adeegsanayo war baahinta sida Raadiyaha,Telifishinka,Wargeysyada iyo in lagu daro manhajka iskoolka

4. In hooyada uurka leh siiba bilaha dambe laga ilaaliyo shaqada adag.

5. Shaqaalaha farmashiyaasha iyo kuwa daawada dhirta gada in lagu baraarujiyo dhibatada daawada uleedahay hooyada uurka cusub leh (siiba 16ka isbuuc ee hore).

M.S.SHAADHEEYE

“Twitter-ku ” ma ka saacidi karaa dadka sigaarka caba iney isaga haraan balwaddaas?

$
0
0

Dadka sigaarka cabba ee doonaya iney isaga haraan sigaar cabista ayaa inta badan raadiya qaabab ay isaga daweeyaan balwaddani.

Dadka sigaarka caba ayaa waxay hadda bilaabeen inay adeegsadaan hab cusub oo ah aaladda bulshadu kuwada xiriirto ee Twitter-ka.

Cilmi baaris ay sameysay jaamacadda California ayadoo adeegsaneysa qaab sir ah si ay wax uga ogaato saameynta ay yeelan karto taageerada uu twitter-ku u gudbiyo iyo walibo baraha ay bulshadu ku wada xiriirto dadka iyagu doonaya iney isaga haraan isticmaalka sigaarka sida ay daabacday shabakadd “PC world “.

Natiiijooyinkii kasoo baxay cilmi baaristii ugu horreysay ayaa waxay xustay haweenyda lagu magacaabo CAROLINA in dadka adeegsada twitter-ka ee isaga haray sigaar cabista ay ku laba jibbaarmaan kuwa aan isticmaalin aaladda twitter-ka.

Haddaba cilmi baarayaasha iyo jaamacadduba waxay doonayaan iney ogaadaan suurta galnimada in dadka adeegsada twitter-ka iyo guud ahaan baraha ay bulshadu ku kulmaan ee iyagu aan is garaneyn iney awood u leeyihiin iney joojiyaan cabista sigaarka.

Ujeedada laga leeyahay cilmi baarista ayaa ah in la ogaado haddii taageerada kooxaha yar yari ee adeegsada twitter-ka iyo farriimaha dhiiri galinta ah ay is weydaarsadaan dadka ku kulma baraha bulshada ay wax ka tari karto iney ka haraan sigaar cabidda muddo dhan 100 maalmood gudahood.

Haddaba ololahaan ayaa waxaa maal galiyay machadka waddaniga ee caafimaadka oo ku yaalla dalka mareykanka.

Sida lagu sheegay cilmi baarista khubaradu waxay u qeybiyeen si guud dadka sigaarka caba ilaa labo kooxood iyadoo koox waliba ka koobantahay 20 qof.

Iyadoo markii dambe laga dalbaday koox walba iney dirto ugu yaraan hal farriin oo maalinle ah oo ku saabsan xaaladdooda caafimaad iyo horu marka ay sameyneyso muddo hal bil ah.

Waxa ay baahiyeen kooxahaasi 1000 farriimood muddadii lagu guda jiray tijaabada, inkasta oo kooxdii koowaad ay howsha dhameestireen misane wali dadku wey adeegsanayaan isu diridda farriimaha dhiirri galinta ah.

Cilmi baarayaashu waxa ay sheegayaan in wali tirada dadka dib ugu noqonaya sigaar cabista ay badantahay, waxayna leeyihiin waxaa loo baahan yahay istiraatiijiyad kale si loo yareeyo cabista sigaarka.

Ugu dambeynna shabakadaha bulshadu kuwada xiriirto ayaa la leeyahay waxay ka qeyb qaadan karaan dhiirri galinta iyo kor u qaadista awoodda in laga fogaado sigaar cabidda. Sida uu qoray bogga Alarabiya.net.


Orodka ama aalamiintada oo la ogaaday in ay daawo u tahay cudurrada qaar

$
0
0

Warbixin ay soo daabacday bbc-da qeybteeda caafimaadka ayaa waxa ay ku sheegtay in ku dhaw 4,800 oo qof oo qaba cudurka hergabka ayaa ka qeyb qaatay orado iyo aalamiito uu sameeyay machadka caafimaadka ee London.

Cilmibaarayasha daraasadaan sameeyay ayaa waxxa ay sheegeyn jimicsiga waqtiyada yar la sameeyo in uu san ka hortagi Karin cuduro badan sida hergabka oo kale balse oradka iyo aalamiitada isbuuciiba labo mar si joogta ah loo sameeyo ayaa waxa ay keeni kartaa in uu jirka qofka helo difaac uuna awood u yeesho in uusan taabanin dureyga hergabka.

Cilmibaarayaasha ayaa waxa ay xuseen in ay heleen 100% soojeedin ah in 1,000 qofba ay kaga hortagikareen dureyga hergabka sameeynta jimcisiga balse taa ayaa noqotay mid sida rasmiga ah ay ugu ogaaday in oradka uu yahay qeybta ugu muhiimsan oo ay saameeyeen dadka la tilmaamay in uu jirkooda helay difaac badan.

Sanadii la soo dhaafay celcelis ahaan dadka qaba dureyga hergabka ee ku nool dalka Ingiriiska ayaa lagu sheegay in ay gaarayaan 6% sanadii la soo dhaafay balse tiradaas waxaa hadda la sheegay in ay wax iska dhintay oo waxa ay hadda gaareysaa 4.7% ka dib markii ay dadka ku baraarugeyn in ay ku xirmaan xaruumaha lagu sameeyo jimicsiyada kuwaas oo ay kaga helaan talooyino dhaxal gal ah.

Daraasad ku saabsan caafimaadka ilkaha

$
0
0

Daarasad cusub oo lasoo saaray ayaa muujinaysa in qofka caadigaa uu maalintii u baahanyahay in uu nadiifiyo ilkihiisa 3 xili si uu uga taxadar caafimadkiisa.

Daraasadaan ayaa waxaa shaaca looga qaaday waxyaabaha ilkaha ugu keena in ay burburaan waxaana loogu sheegay in ilkaha burburkoodo uu qeyb ka yahay macmacaanka oo la badsado sida ay sheegeyso daraasado in ay keen waxyeleen ay kamid yihiin burburka aan soo sheegnay.

Waxaa kaloo daraasadaan lagu ogaaday cirid dhiiga ay keento bacterio gasha inta u dhexeysa ciridka iyo ilkaha tasoo soo daysa dhacaamo, waxaana qofka markii uu isku arko loo bahanyahay in uu badasado protiinka oo la sheegay in uu ka hor tag u yahay,

Cilmi baarayaasha ayaa sheegay in ay masuul katahay cirid dhiiga bactriyadaas gasha ilkaha iyo ciridka inta u dhaxeeysa kadibna dhiig soo dayso

Ilkahaaga u caday si wanaagsan si aad uga hortagto waxyeelo soo gaarta ilkahaaga adigoo isticmaalaaya dawooyinka lagu cadaysado oo ay qeyb katahay toothbrush.

Cilmi Baarayaal Caafimaad oo Shaaciyay Raashin Cunista yar in ay ka hor tagto Cimri Degdega

$
0
0

Koox Khubaro ah oo cilmi baarayaal ah kana tirsan Machadka Institute of Health Ageing at University College, ee ku yaala magaaladda London, ayaa natiijadii ka soo baxday baaritaankoodan lagu shaaciyay cunto qaadashada. Maalinlaha ah ee aadka u yar ee aan dharaga lahayni in ay 40% qofka ka baajiso cimri degdeg gabaw ah oo ku yimaadda.

Cilmi baarayaashu waxa ay xuseen in hadii qofku uu iska illaaliyo dharaga oo uu qaato maalin walba cunto aad u yar in ay saamayn xoog leh ku yeelato la dagaalanka cuduradda soo dadajiya cimriga qofka ee gabawgu ugu horeeyo, sida xanuunadda Wadnaha, Kansarka iyo xanuunadda kala duwan ee ku dhaca Habdhiska Dareen wadka.

Horjoogaha Kooxdda baaritaankan samaysay oo lagu magacaabo Mathew Piper, ayaa u sheegay Warsidaha lagu magacaabo The Independent, hadii qofku uu yareeyo 40% cunto qaadashadiisa in 30% uu ka badbaadi karo xanuunadda dhaliya gabow degdeg ah oo ku yimaadda cimriga noloshiisa.

Cabida Sigaarka Oo Laga Qaado Cuduro Halis Ah!!

$
0
0

Warbixin cusub oo dhawaan ay soo saaray Macadka ku yaala Mareykanka ayaaWaxa lagu sheegay khatarta caafimaad darro Sigaar cabida in ay keento

Xanuuno badan oo ay ka mid yihiin qofka oo indha beela.

Waxaa warbixinta lagu xusay in dadka caba sigaarka lagu qiyaasay in ay dhanyihiin 967 milyan oo daafaha caalamka ku dhaqan. Warbixinta ayaa lagu xusay in khatarta caafimaad ee sigaarku leeyahay ay ka gudubtay kansarkii ku dhacayay sanbabada dadka jiida qiiqa sigaarka.

Waxaana la sheegay inuu sababo cuduro ay ka mid yihiin Sokorow , Kansar beerka ku dhaca ,Tiibii , Indha la’aan iyo xanuuno kale oo hawl gab ka dhiga qaar ka mida xubnaha qofka sigaarka caba.

Munaasibad lagu qabtay dalka mareeykanka oo lagu xusayay 50-guuradii kasoo wareegtay markii la ogaaday in sigaarku sababo kansarka sanbabada ayaa lagu shaaciyay xogtan cusub . Dr-Boris Lushniak oo qaliino ku sameeyay dad badan oo ay diloodeen cudurada sigaarka ka dhasha ayaa xusay in Sigaarka imika la cabo uu yahay mid ka casrisan kii hore aadna uga khatar badan.

Wuxuuna tilmaamay in shirkadaha farsameeya sigaarka ay sanidihii la soo dhaafay kordhinayeen waxyaabaha kiimikaalka ah ee ay ku cabayaan.

Haweenka uurka leh ee caba ayaa la tilmaamay inay ka dhaxlaan khatara dhowr ah oo ay caruurtoodu la kulmaan sida dhaawacyo dhinaca wajiga ah oo ay yeeshaan ama iyaga oo dhala ilmo faruuran.

Dadka aan cabin sigaarka laakiin jooga goobaha lagu cabo ayaa sidoo kale la xusay inay la kulmaan qataro caafimaad oo uu ku jiro qalalka iyo dhiiga maskaxda ku furma.

In ka badan 20 milyan oo mareeykan ah ayaa la tibaaxay inay u geeriyoodeen cuduro ka dhashay cibista sigaarka iyo ka agdhawaashaha goobaha lagu cabayo.

Dalka Mareykanka ayaa waxaa sanad kasta ku geeriyooda nus milyan loo aaneeyay cabista sigaarka, halka 16 milyan oo kalana ay la xanuunsadaan cuduro ay ka qaadeen.

Hal ka mid ah 13 caruurta ah ee Mareykanka ku nool waxaa haya cudur ka dhashay sigaar agtiisa lagu cabay ama waalidiintiis ay u soo gudbiyeen.

Aduun lacageed oo gaadhaya 289 bilyan oo ah dollarka mareykanka ayaa la sheegay in sanad kasta ay dadka ameerikaanka ahi ku bixiyaan sigaarka.

Khubarada mareykanka ah ayaa eed dusha ka saaran warshadaha sameeya oo ay ku tilmaameen kuwa dajistay istiraatijid dulmi ku saleysan oo wadnaha lagu goynayo dadka aan xilkaska ahayn.

Waxayna si cadho leh u cadeeyeen in warshadahaas lagu farsameeyo sigaar muqaal ahaan ka sameysan warqado qafiifa oo gudaha looga cabay waxyaabo kiimikaal ah oo gaadhaya todoba kun oo ah isku jir sababaya cudura fara badan.

C/Qaadir Ismaaciil Askar

Arrimaha Caafimaadka Hawlgabka Kacsiga nimanka da’40-naadka…

$
0
0

oNOf
ARRIMAHA CAAFIMAADKA: Waxaanu kusoo qaadanaynaa arrimo kusaabsan qoyska iyo waxyaabaha dhaliya ama keena Dhibaatada kacsiga, oo iyaduna loo yaqaan howlgabka kacsiga wuxuu ku yimaadaa 5 – 10% nimanka da’ 40 naadka ah.

Da’duna si kala duwan ayay ugu korortaa, sidaasi ayaa 5 ka mid ah 10kii nin ee 70 jir ahba ay la kulmaan heerar kala duwan ee cudurkan.

Dhibaatada howlgabka kacsigu inta badan waa dhibaato siyaabo kala duwan ku timaadaa.
Cudurkan waxaa ka mid ah oo kale nimanka kacsadaa bilowga hordhaca galmada, hase yeeshee aan sii wadi karin kacsigii muddo ay ku galmoodaan.

Kacsigu wxuu ku bilowdaa isaga oo ku xiran dareen kacsi, markii ay xididada yar yarka ah ee xubinta galmada ninka ay fiddo soona galaan qulqul dhiig ah xubintaasi.

Xubinta galmada ninka waa ay weynaataa, laakiin haddii ay xididada dhiiggu ay dhiigga ka saaraan xubintaasi, wayna soo ururtaa, markii ay xubintaasi kacdona waa ay weynaataa waana dheeraataa.

Cudurkan howlgabka kacsi wuxuu ku yimaadaa iyada oo ay qulqulka dhiiggu soo gaarin ama uusan joogtoobin, ka dibna aad is aragto inaadan kacsan karin ama muddo yar kaliya kacsato.

Inta badan xaaladaha cudurkan waxaa sabab u ah cudurro jireedka.
Da’du shardi uma aha iney keento cudurkan howlgabka kacsi.
Xernaanta xididada dhiiggu waxay hoos u dhigtaa inuu dhiiggu aado xubinta galmada ragga.

Cudurkan howlgabka kacsiga wuxuu caadi ahaan ku yimaadaa cuduradan dadka qaba kaadi macaanka, wadna xanuunka, dhiig karka cudurada neerfaha iyo nimanka qalliinka lagaga sameeyay dhibaato kaga timid qanjirka borostaytka.

Kiniiniga jirka biyaha ka saaraa (diuretics) iyo daawada loo qaataa dhiig karka, suuxdinta, buufiska ama buuqa (anxiolytics) waxay keeni karaan cudurka howlgabka kacsiga.

Daaweynta cudurka howlgabka kacsiga waxay keensaneysaa ugu horeyntii, in adiga iyo dhakhtarkuba isla baartaan islana cadeysaan, in adiga iyo qofka aad la nooshahay ay wax dhibaato ah ka jiraan noloshiinna, taasoo sabab u noqon kartaa awooddan kaa maqan ama dhibaatadan aad ka sheeganeyso.
Waxaa suura gal ah inaad joojiso isticmaalka khamriga iyo inaad joojiso sigaarka oo keena hawlgab kacsi.

Wada hadalkaasi ka dib waa in dhakhtarku baaraa inaad ka sheeganeyso cudur aan lagaa daaweyn.

Daawada ugu wanaagsan ee lagu daweeyo cudurkaan baa ah maadada kooxda PDE 5-joojisa, daawooyinkaasi, ku haynaya qulqulka dhiiga xubinta galmada ragga, iyadoo la helayo kacsi ama uu joogto noqonayo.

Daawooyinkaasi wax badan kuma kala duwana dhinaca waxtarkooda, waxay shaqeynayaan muddo 4-5 saacadood ama 24 saacadood halkii diyaarin.

Aad bay muhiim u tahay in hoos laga xariiqo, in daawadu ay waxtar leedahay oo kaliya kacsiga galmada , kiniiniyayaashu ma keenaan mar walbaa kacsi.

Waa inaad daawada qaadataa ? ilaa 1 saac inta aadan u tegin xaaskaaga.
Ma qaadan kartid kiniiniyaasha, haddii aad qaadato daawooyinka ah nitroglycerine, kaasoo loo qaato wadna xanuunka.

Waa caadi ineysan daawadu si xoog ah wax u qaban 6da ilaa 8da mar ee ugu horeysa, waxaa laga yaabaa iney sabab u noqoto in doosaha (Dose) aad u baahan tahay in la kordhiyo, ma isticmaali kartid daawada ugu badnaan hal mar maalintii.

Dhibaatada ay daawadu keeni kartaa waa mid iska fudud ama iska gudbeyso, waxaana ka mid ah madax xanuun , waji casaad iyo caloosha oo ku xanuunta.

Waxaa aad u wanaagsan inaad sameysato buug maalmeed aad ku qoreyso waaya aragnimadaada kuugu horeysa isticmaalka daawadan.

Dhakhtarku wuxuu kugu caawini karaa inuu ku siiyo talooyin wanaagsan, marka aad la kulmeyso, waxaana waajib ah inaad mar walbaa raacdo nidaamka daawada lagu siiyo.
Dhakhtarkaaga wuxuu kuu raadin karaa caawinaad daawadaada ah, haddii aad tijaabisay in kiniiniyadan ay kuu fiican yihiin, isla markaana aad qabto cudur kale aan kan ahayn tusaale kaadi macaan.

Waxaa la helay daawo kale oo lagu daaweeyo cudurka howlgabka kacsiga, laakin waa ay ka waxtar yar tahay ama ay ka wanaag yar tahay isticmaalkeeda.

XIGASHO SOMALIDOC.COM

Viewing all 55 articles
Browse latest View live


<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>